Sidan ayaan ku TALIN lahaa!

0

(Hadalsame) 15 Dis 2018 – Waxaa maalmihii dambe cakiran xaaladda siyaasadda dalka iyadoo ay dooddu markii hore ka kacday doorashada maamulka KG oo dhowr mar dib u dhacday iyo mooshin la sheegay in laga keenay madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haatan waxaa cakiran xaaladda magaalada Baydhabo oo maalintii 3-aad ay ka socdaan rabshado ka dhashay soo qabashadii Mukhtaar Rooboow, taasoo ay dadku ku kala qaybsameen arrintiisa iyadoo ay dad badani qabaan inuu yahay eedaysane aan weli ka garaabin dembiyadii uu galay, halka ay qaar kale ku doodayaan inay markii hore dowladda u ekayd inay xabsi geliyaan ama tillaabo ka qaadaan.

Si kastaba, waxaa cakiran xaaladda siyaasadeed ee dalka oo haatan ku jira wax u eg xasarad siyaasadeed iyo qaaquullo dastuuri ah, waxaana mas’uuliyiinta dalku waajibaad ka saaran tahay in ay la yimaadaan dadnimo iyo karti ay wax ku xalliyaan, waayo mar kasta oo ay arrintu sii daba dheeraato waxaa ka faa’iidaysanaya duul kale oo shisheeye iyo sokeeyaba leh oo mar kasta u taagan inay kala ridaan inta yar ee dhibka lagu yabyabay.

Baarlamanku haddii ay mooshin keenayaan waa inay u maraan nidaamka saxda ah ee u dhigan iyagoon u baahanin erayo aan laa’iq ahayn sida ”eedaysane” iwm waayo erayadaa waxaa adeegsan kara waaxaha garsoorka ee howl ay iyagu magacyo iyo eray bixin u samayn karaan maaha.

Sidoo kale maaddaama aysan jirin heshiis uu galay oo rasmi ah oo ilaa iminka la ogyahay eedaymuhuna u muuqdaan kuwo allifaad ah, Madaxwaynuhu waa inuusan wax wayn ka dhigin oo hor tagaa Baarlamanka una sharraxaa waxa jira, ma aaminsani in la heli karo xildhibaanno ku filan inay xilka ka qaadaan, saxna ma aha in wax iska sahlan ay caqabad taagan oo khilaafyo sii abuurta noqdaan.

Waxaa intaa dheer Guddoonka Baarlamanku waa inuu ilaaliyaa u dhexeeynta Baarlamanka oo iska daayaa inuu baylah u noqdo guruub yar oo ka tirsan Baarlamanka oo markasta ka talinaya qas iyo qalaanqal khilaaf kastana ka qayb qaata, maaddaama uu ka mid yahay madaxda ugu sarreeysa dalka waa inuusan ilaa xadkaa hoos usoo daadegin, dabcan sidoo kale kuma khasbana inuu la saaxiibo Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha, balse dhanka kalena waa sidoo kale.

Shacabka Baydhabo iyo guud ahaan KG waa inay ogaadaan in gobolku aanu ahayn mid qabiil ee uu yahay gobol Soomaaliyeed, haddii uu Rooboow dembi leeyahay iyo haddii kalena waa arrin u taalla umadda Soomaaliyeed oo idil, sidoo kale waa inaan dadka dhib ka daalka ah loo adeegsan in xaabo looga dhigo wax laga leeyahay yool siyaasadeed oo iska sahlan, waa in xaalka la dejiyaa si sharci ah oo degganna loola xisaabtamaa ciddii ay xisaabi ku maqan tahay haddii ay dowladda iyo cid kaleba.

Caqligu ha shaqeeyo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media