RW KHEYRE:- “Ma aqbali doono in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridaynaa”! Kheyre oo qarxiyay arrimo badan!

0

(Doxa) 15 Dis 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isagoo la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee Magaaladda Doxa ee dalka Qatar ka dhawaajiyay inay jiraan qolooyin isku dayaya inay ka leexiyaan jidka saxda ah sida uu yiri.

Mr. Kheyre oo hadalkiisu uu ahaa mid kulul ayaa sheegay in inta ay xukunka joogaan aan la cabsi gelin doonin, isla markaana aanay aqbali doonin in laga leexiyo dariiqa saxda ah.

“Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nala cabsiiyo, in aan aqbali doonin in dariiqa saxdaah nagala leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaya Magacayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qabqablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed”

Haddalka RW Kheyre ayaa laga fahmi karaa inay jiraan dalal shisheeye iyo xoogag gudaha ah oo iska kaashanaya carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya, hase ahaatee si dhab uma uusan magacaabin cida doonayso inay ka lexiso dariiqda saxda ah sida uu yiri.

Hadalsame Media