(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Waxaa goor dhowshir jaraa’id goor dhow qabtay Guddoonka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursalkaasoo uu uga hadlayay xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Baydhaba,xiritaanka Rooboow iyo howlaha Baarlamanka.
Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa shirkiisa jaraa’id oo gaabnaa kasoo jeediyay arrimahan:
1 – Wuxuu shacabka magaalada Baydhaba ugu baaqay inay is dejiyaan.
2 – In dib loo dhigo doorashada maamulka Koonfur Galbeed inta ay xaaladdu ka xasilayso.
3 – In ku simaha madaxwaynaha KG ahna Guddoonka Baarlamanka maamulkaasi uu qaado tillaabo wax lagu furdaaminayo.
4 – Odayaasha dhaqanka KG ayuu ugu baaqay inay qaataan doorka kaga aaddan xallinta arrintan.
5 – In la sii daayo Mukhtaar Roobow oo uu sheegay inuu dastuurku u ogolaanayo inuu tartamo loona ogolaado inuu dib ugu noqdo Baydhaba si uu u tartamo.
6 – Xukuumadda ayuu ugu baaqay in si uu yiri ay xayiraadda ka qaaddo xildhibaannada oo uu sheegay in loo diidey inay goobtiisa kusoo booqdaan.
Hadalsame Media