DEG DEG: Khasaare ka dhashay duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose! Yaa ka fuliyay?

0



(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Ugu yaraan 8 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen duqeyn culus oo dhanka cirka taasoo ka dhacday koofurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegtay weerarkan oo dhacay maanta waxaana warar rasmi ah oo Hadalsame Media helay sheegayaan in weerarku ka dhacay deegaanka Gandershe oo saaran xeebta una dhow Magaaladda Marka.

Maraykanka ayaa sheegay in howlgalkan ay ka qayb qateen cidamada gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sare u qaaday weerarada nuucaan ah ee lagu bartilmaameedsanayo xoogaga Al-Shabaab.

Hadalsame Media