RW Khayrre oo kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha cusub ee Turkiga + Sawirro

0

(Muqdisho) 10 Dis 2018 – 
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Danjiraha dawladda Turkigu usoo magacowday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, sida lagu qoray warbaahinta dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrre iyo Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta xoojinta xariirka walaaltinnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta soo dhaweeyo safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, oo ah rug-cadda horumarineed iyo Saaxiib Soomaaliyeed. Waxa aan rajaynayaa in uu sii amba qaado cusubka iskaashiga labada dawladood.” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrre.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga mahadceliyay soo dhawaynta wanaagsan, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqaynayo danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka ah.

Safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya oo bedelay safiirkii hore Amb. Olgan Bakar, ayaa madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Lama oga inay ka wada hadleen xaaladda ugu dambaysa ee iminka taagan, maaddaama uu Turkigu ka mid yahay dalalka xiriirka dhow la leh Somalia.

Hadalsame Media