Maxay la egtahay sharciyadda mooshinka laga keenay Madaxwaynaha?

0

(Muqdisho) 10 Dis 2018 – Sida la sheegay 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waloow ay qaarkood sheegeen in lagu been abuurtay.

Si kastaba, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay, ayaga oo sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan.

Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka.

Haddaba marka la eego dastuurka mooshinkan ma yahay sharci. Sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka mooshinka ma ahan sharci.

Halkan hoose ka eeg…

Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 

(1) – Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) – Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, 30 DasTuurka Ku-Meel gaarka Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

(3) – Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.

(4) – Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. 

Xigasho: Caasimada Online

Hadalsame Media