Maxaa maanta ka soconaya magaalada Muqdisho?

0

(Muqdisho) 10 Dis 2018 – Magaalada Muqdisho ayaa maanta la ciirciiraysa arrimo kala geddisan oo ay salka ku haya xaaladda siyaasadeed ee iminka taagan.

Dhinac waxaa ka soconaya mooshin iyo mooshin celis ka dhexeeya guddoonka sare ee Baarlamanka oo kaddib markii uu shalay soo baxay inuu Guddoonka sare qabtay mooshin xilka looga qaadayo Madaxwaynaha dalka ay shirar iyo qodobbo lid ah soo saarayeen ku xigeennadiisa oo sharci darro ku tilmaamay mooshinkaas. Waxaa sidoo sidoo kale dhacay dibed baxyo lagu taageerayo madaxwaynaha Somalia oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacbiga Muqdisho.

Waxaa sidoo kale soconaya is xulufaysi ka dhexeeya qolooyin kala taageersan mooshinnadaas, xildhibaanno sheegaya in lagu been abuurtay oo shirar qabanaya iyo dadaallo caalami iyo kuwo maxalli ah oo la doonayo in xaaladda lagu dejiyo.

Dhanka kale, waxaa Muqdisho soo gaarey hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Daljir Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaasoo ay taageerayaashiisa iyo qaar ka mid ah xildhibaannadu ay kusoo dhoweeyeen magaalada Muqdisho.

Sidaa darteed, waxaa iminka aad u kacsan xaaladda heerkul beegga siyaasadeed ee magaalada iyo guud ahaanba dalka iyadoo uu mooshinka taagani waloow uusan u muuqan mid leh tiro iyo sharciyad uu ku tuuri karo madaxwaynaha ama guddoonka Baarlamanka misna uu ku filan yahay inuu dalka geliyo xasarad dastuuri ah iyo mid siyaasadeed oo aan iminka loo baahnayn.

Hadalsame Media