Maraykanka oo ka hadlay weerar ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

0

(Muqdisho) 10 Dis 2018 – Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada Dhexe halkaasi oo sida la sheegay lagu dilay 4 dagaalame oo ka tirsanaa xarakadda Al-Shabaab.

Taliska Maraykanka ee Qaarada Afrika ee la yiraahdo AFRICOM ayaa sheegay in weerarkaan oo dhacay shalay looga gol lahaa in lagu difaaco ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ka fuliyay howlgal qorsheysnaa.

AFRICOM waxay sheegtay in duqeyntu ahayd mid isdifaacid ah waxaana wararku sheegayaan in la beegsaday saldhig Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Sida wararku sheegayaan waxaa howlgalkaasi lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Daahir.

Hadalsame Media