Booliiska UK oo cayrsanaya nin midab takooray Raheem Sterling

0

(London) 10 Dis 2018 – Denbi baarayaasha Britian ayaa raadinaya nin taageero kubada cagta ah oo u sacbiya kooxda Chelsea, kaas oo si cunsirinimo leh ugu gefay jookarka Reheem sterling oo u dheela xulka England.

Ninkaan ayaa Sterling oo soo qabanaya ku yiri ”Fucking black” ama ”Madoow xun” taasoo ah aflagaaddo cunsuriyad sinji lagu lagu qooshay oo qayaxan.

Sterling ayaa la sheegay in uu xilligaa ku qoslay dabaalnimada ninka, yeelkeede, boliiska ayaa sheegay in uu ninkaasi xabsi mudan karo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media