SAWIRRO: Banaanbaxyo looga soo horjeedo Xildhibaanada Mooshinka keenay oo ka socda Muqdisho

0

(Muqdisho) 10 Dis 2018 – Dibedbaxayaasha oo u badan dhalinyaro iskood isku soo abaabulay ayaa ku dhawaaqaya hal ku dhigyo ay kaga soo hrojeedaan wax ay ku tilmaameen Qaran Dumis iyo Mooshin Wade, oo ay ula jeedaan xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mooshin ka keenay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadweynaha oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxaana ay u badan yihiin dhalinyaro, waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo doolar qaate doonimayno.

Banaanbaxa ayaa ku sii faafaya Magaaladda.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo Xad gudub Dastuuri sida ay sheegeen Wallow aysan cadeymo dhab ah soo bandhin.

Wararka la xiriira Mooshinka oo soo shaac baxay shalay galinkii dambe ayaa walaac ku abuuray bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana ka cooraday dadwaynaha Soomaaliyeed oo qaar kood dareenkooda hadda ku muujinaya banaanbaxyo.

Madawaxynaha Waxaa doortay Xildhibaanada , hase ahaatee inkastoo hadda qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanku Mooshin ka keeneen ayeysan sahlaneyn in xilka laga qaado maadama aqlabiyada Baarlamaanku ka soo horjeedo Mooshinkan oo ay abaabuleen xildhibaanada Mucaarad ah.

Hadalsame Media