(Muqdisho) 10 Dis 2018 – Guddoonka Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo rag kala duwan oo ay siyaasadda olog ku yihiin.
Warsame ayaa Hoteelka Jasiira kulan kula qaatay qaar ka mid ah taageerayaashiisa iyo rag ka tirsan Baarlamanka dalka ama ku jira siyaasadda sida xubno sare oo ka mid ah xisbigiisa.
Md Warsame oo muddo dalka dibedda uga maqnaa, isla markaana sii wadi doona kulamo siyaasadeed oo kala duwan, ayay soo noqoshadiisu kusoo beegantay xilli uu dalku ku jiro wax u eg xasarad dastuuri ah kaddib markii ay maamulka sare ee Baarlamanka Dhexe isku khilaafeen sharciyadda mooshin laga keenay Madaxwaynaha dalka.
Hadalsame Media