Dadka reer Cuba oo uu maanta u bilowday adeeg ay dunidu ka soo daashey!

0

(Havana) 06 Dis 2018 – Dadka reer Cuba ayaa markii ugu horreeysey waxay internet-ka si buuxda ugu isticmaali karaan tlefoonnadooda, sida ay ku dhawaaqday dowladda dalkaasi.

Maanta oo Khamiis ah wixii ka biloowda, waxay Cuban-ku telefoonnadooda ku heli doonaan adeegga 3G, halka ay markii hore kaliya e-mail-ka ka geli kareen telefoonnadooda.

Dowladda Cuba ayaa beryihii dambe magaalooyinka jasiiraddan ka dhisaysay anteenooyin sida adeegga 3G, si ay dadka dalkaasi u isticmaalaan, waloow ay markii hore ay adeeggan heli kareen saraakiisha dowladda, ganacsatada iyo dalxiisayaasha.

Hadalsame Media