Sucuudiga oo Casuumaad RASMI ah u fidiyay Qadar! Maxay tallaaadda Sucuudiga ka tareysaa khilaafka Khaliijka?

0

(Doha) 05 Dis 2018 – Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqad casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Sucuudiga Boqor Salmaan. Qadar ayaa lagu casuumay inay ka soo qaybgasho shirka wadamada Gacanka carabta ku yeelanayaan Magaaladda Riyaad Sagaalka Bishaan, sidaasi waxaa sheegtay wakaaladda wararka Qadar.

Sucuudiga ayaa hore u go’doomiyay dowladda Qadar waxaana taasi ay dhabarjab ku noqotay Gollaha GCC ee lixda dal ee gacanta Carabta. Laakin illaa hadda Qadar ayaan sheegin heerka wafdiga ay u diri doonto Riyaad, mana ahan arrintu inay wax iska bedeli doonaan dagaalka diblamaasiyadeed ee labada wadan.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar oo aan ka mid ahayn GCC ayaa hore xayiraaddo diblamaasiyadeed iyo mid dhaqaale ugu soo rogay dalka Qadar. Soomaaliya aiyaa iyadu ka mid ah dalalka doorka dhexdhexaadnimo ka qaatay khilaafka wadamada Khaliifjka waxaana hadda xaaladdu u muuqataa in Sucuudiga oo khilaafkaasi hormuud u ahaa uu yara soo jilcayo.

Dabacsanaanta Sucuudiga ayaa lala xiriirinayaa cadaadiska ka dhashay dilka Weriye Jamaal Khashuuqji oo lagu dilay laguna dhex jarjaray Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

Hadalsame Media