SAWIRRO: Dowladda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoontay Safiirka cusub ee Turkiga

0

(Muqdisho) 05 Dis 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimoMehm et Yilmaz oo ah Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida aadka u taageera dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.