RASMI: Ivan Gazidis oo noqday Guddoomiyaha AC Milan

0

(Milano) 05 Dis 2018 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Ivan Gazidis loo dhaariyay xilka Guddoonka kooxdaasi, iyagoo taa ku tilmaamay mid muujinaysa “hami sare”.

Gazidis ayaa lagu magacaabay kulan goor dhow soo dhamaaday oo ay yeesheen saamileeyda Milan oo ku qabsoomay xarunta naadiga ee Cassa Milan.

“Waannu ku faraxsan nahay magacaabista Gazidis, waana astaan cad oo muujinaysa hamiga sare ee milkiilayaasha muddada dhow iyo tan dheerba.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Milan.

53-jirkan oo mushahar 4 milyan ka badan sanadkii qaadanaya, kanasoo wareegey kooxda Arsenal, ayaa qalinka ku aasay qandaraas taxnaan doona ilaa Juun 30, 2020.

Hadalsame Media