Neef Ido ah oo khalkhaliyay isu socodka gaadiidka magaalada Perth

0

(Perth) 05 Dis 20 Dis 2018 – Neef Ido baadi ah ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado Tareennada iyo gadiid kale ee mara waddo wayn oo aadda dhanka koofueed ee magaalada Perth, Australia.

Noolahaan afar addinlaha ah ee dhogorta badan ayaa dhexmeeraysanayay jidka wayn laga magacaabo Kwanana Freeway oo ah 6 seed leh jid tareeni dheh rooro.

Afhayeen u hadashay Transperth ayaa sheegtay in tareennada iyo basasku ay wali socdaan laakiin ay dib u dhacsan yihiin si maamuulayaasha loogu sahlo qabashada neefka baxsadka ah.

Afhayeenka ayaa dadka jidka maraya ka codsatay in aysan istaagin oo aysan isku dayin in ay caawiyaan ciidanka Boliiska iyo ilaalada dawladda hoose ee neefka erayana si ay u qabtaan.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media