Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri weerarkii lagu dhaawacay Weriye Ismaaciil Shiikh Khaliifa?

0

(Muqdisho) 05 Dis 2018 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle iyo ku-xiggeenkiisa Aadan Isaaq ayaa si isku mid ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo shalay dhaawac uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, waxayna Suxufiga Ismaaciil Sheekh Khaliifa ay ALLE ay uga baryeen in uu si dhaqsa ah u bogsiiyo.

Dhinaca kalena,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Cambaareeyey weerarka lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, isaggoo EEBBE uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu  caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”ayuu ku yiri Goddoomoyaha Gobolka Banaadir oo Qoraalkan soo dhigay Bartiisa Facbook-ga.

Hadalsame Media