Howlgallo baaritaano ah oo ka socda Baydhabo (Sababta)

0

(Baydhabo) 04 Dis 2018 – Ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo baaritaano ka wada Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kadib markii halkaasi uu dhacay weerar bom loo adeegsaday oo lagu qaaday gurri uu degan yahay xildhibaan hore Maxamed Kheyr Xaaji Maxamed Ibraahim Hiireey.

Xildhibaankan hore ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka dowladdii Shariif Sh. Axmed waxaana weerarka lagu qaaday ku dhaawacmay sadex ruux oo la joogtay.

Weerarka ayaa dhacay xalay fiidkoo hore waana taas sababta keentay in ciidamada dowladda saaka baaritaano kula jarmaadaan xaafaddo ka tirsan Magaaladda Baydhabo.

Baydhabo waxaa ka jira xiisado siyaasadeed oo iska soo horjeeda waxaana magaaladda sheeda ka eeganaya ururka Al-Shabaab, iyadoo reer Baydhabo isku diyaarinayaan doorashada hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalsame Media