RASMI: UEFA oo soo hormarisay adeegsiga VAR (Fasalkan oo durba la bilaabayo)

0

(Nyon) 03 Dis 2018 – Guddiga Fulinta UEFA ayaa xaqiijiyay in hannaanka kaala garsoorka ee VAR lasoo hormarinayo oo la hirgelin doono isla bartamaha fasal-ciyaareedkan.

UEFA ayaa sheegtay in ay VAR u adeegsan doonaan wareegga 16-ka Champions League iyo wixii ka dambeeya, iyadoo uu madaxwaynaha UEFA eee Aleksander Ceferin uu horay u sheegay in tiknolojiyaddan la adeegsan doono fasalka soo aaddan, balse kaddib cadaadis ka yimid kooxaha oo ka cowdey khaladaad badan ayaa loosoo hormariyay.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ayaa sidoo kale xaqiijiyay in VAR sidoo kale laga hirgelin doono tartanka Europa League wixii gaara wareegga 32-ka iyo sidoo kale dhamaadyada Nations League iyo European Under-21 Championship.

Farsamadan oo lagu diirsaday ayaa laga hirgeliyay qaar badan oo ka mid ah horyaallada Yurub iyadoo ay ugu horreeyaan horyaalka Talyaaniga ee Serie A, waxaa sidoo kale loo isticmaalay KA2018.

Hadalsame Media