Ma Qaddaafi ayaa weli nool?!! + Sawirro (Nin lagu arkay ciyaartii PSG-Liverpool)

0

(Paris) 03 Dis 2018 – Qaar ma quustayaal ah oo ka tirsan taageerayaasha Mucamar Gaddafi oo si xun loogu diley dagaalka sokeeye ee Liibiya ayaa weli rumaysan in hoggaamiyahaasi weli nool yahay oo aanu dhiman, balse isagoo dhaawac ah loola dhuuntay dal kale oo Afrikaan ah.

Waxay xitaa quud darreeyaan “soo laabashada hoggaamiyaha,” sidii loogu yeeri jirey, balse weli ma jirto wax ka hir galay rajadaa wirwirka ka dhalatay.

Yeelkeede, waxay arrintani mar kale soo shaac baxday markii nin Qaddaafi u eg lagu arkay ciyaartii CL ee dhexmartay Liverpool iyo Paris Saint-Germain, taasoo ay qaarkood baraha bulshada kusoo qoreen: Ma dhici kartaa inuu isagii yahay?, iyadoo ay qaar kale kuba dhaarteed inuu yahay Colonel Muammar Gaddafi!

Nasiib xumo, taasi ma dhicin oo ninkaa oo ag fadhiyay wuxuu ahaa ninka Ruushka ah ee yaqaan difaacu nafsiga, Habib Nurmmadov, sidoo kale jilaaga Maraykanka ah ee Leonardo DiCaprio iyo xiddigo kale, ninka kalena Colonel Muammar Gaddafi “oo is qarinaya” maahane waa Sir Mick Jagger, oo ah soo saare caan ah oo British ah.

Hadalsame Media