”Ma lacagteennii ayaad dad ku baranaysaa?!” – Raysal Wasaaraha Canada oo Twitter-ka looga jeexjeexay! (Maxaa dhacay?)

0

(Ottawa) 03 Dis 2018 – RW Canada ee Justin Trudeau ayaa dhaleecayn ka wajahaya baraha bulshada kaddib markii uu Twitter ku ballan qaaday in ay Canada $50M oo doollar ugu tabarruci doonto khayriyad uu sameeyay Trevor Noah.

Trudeau ayaa soo tweet gareeyay in maad’yahanka reer South Africa oo sidoo kale soo saara barnaamijka “The Daily Show” ee Trevor Noah ay Canada u ballan qaadayso $50M oo lagu taageerayo ururkiisa Waxbarashadu ma Sugi karto (Education Cannot Wait), kaasoo ah urur maalgeliya waxbarashada carruurta ay saameeyeen khilaafyada, musiibooyinka dabiiciga ah iyo qaaquullooyinka kale.

Trudeau ayaa soo qoray inuu Noah ku amaanayo sii amba qaadidda dhaxalkii Nelson Mandela si loola tacaalo faqriga fara ka baxa ah, isagoo sheegay in aanu iman karin mehrejaanka Global Citizen, balse uu ku yaboohayo lacag lagu taageerayo waxbarashada haweenka iyo hablaha.

Deeto waxaa ka daba qaatay hoggaanka muxaafidka ah ee Andrew Scheer oo Trudeau ku eedeeyay inuu Twitter ku ballan qaaday $50M si uu iskaga iibiyo shakhsiyad TV, isagoo sheegay in canshuur bixiyayaashu u baahan yihiin qof difaaca ee aysan rabin mid lacagtooda u bixiya si ay u jeclaadaan dadka caanka ihi.

Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale kasoo jawaabey farriinta RW iyagoo ka dacwoonayay in aan la fulin qaar badan oo ka mid ah adeegyada ay iyagu u baahan yihiin, halka qaar ay dood ka qabeen inaysan Twitter ku habboonayn in lacag intaa la’eg looga yabooho.


Hadalsame Media