
(Milano) 03 Dis 2018 – Beppe Marotta ayaa lagu dhawaaqi doonaa inuu yahay Maareeyaha Guud ee Inter Milan kaddib ciyaarta PSV Eindhoven, isagoo marka dambe noqon doona Guddoomiyaha kooxda, sida lagu soo warramayo.
Sida uu baahinayo Sky Sport Italia, go’aankan horay ayaa loo qaatay, iyadoo ciyaarta ugu horreeysa ee uu Marotta soo xaadirayo isagoo ka tirsan maamulka Inter ay noqon doonto ciyaarta Inter v Udinese ee Diseembar 15.
Marotta ayaa iskaga tegey kooxda Juventus kaddib markii uu la qaaday 7 horyaal oo xiriir ah oo Serie A ah, waxaana la sheegay inuu ku qancay mashruuca ay wadaa Chinese-ka Inter oo marka dambe doonaya inay ka dhigaan guddoonka kooxda.
Hadalsame Media