(Nairobi) 03 Dis 2018 – Barasaabka magaalada Nairobi ee Mike Sonko ayaa sheegay in caasiyada loo yaqaan matatu-yada laga mamnuuco Degmada Ganacsi ee Nairobi (CBS) ama bartamaha magaalada ay dadka ka caawin doonto dhanka fayaqabka jireed.
Ninkan oo mar dhow hadlay jeer uu xeerkaasi maanta dhaqan galay ayaa yaraystay doodaha ku saabsan in ay adag tahay in bartamaha magaalada oo idil socod lagu maro, isagoo ku dooday in inta badan dadka magaalada deggani “aysan jiim aadin.”
“Min Muthurwa ilaa Bartamaha (CBD) waa socod hal daqiiqo ah. Dad badani ma aadaan jiimka. Waxaan doonaynaa inay dadkeennu jimicsadaan,” ayuu yiri Sonko.

Hadalsame Media