DAAWO: Ruushka oo tijaabo ku bilaabay gujis nooca nukliyeerka xambaara ah oo la casriyeeyey + Sawirro

0

(Severodvinsk) 03 Nof 2018 – Gujiskii ugu horreeyay ee Ruushka ee nukliyeerka xambaara oo lagu hormariyay mashruuca Borei-A ayaa bilaabay tijaabooyinkii ugu horreeyay, taasoo ah tillaabo muhim ah kahor inta aan lagu wareejin ciidamada badda dalkaasi.

Dufcaddan Borei ayaa bedeleeysa noocii gaboobey ee Akula iyo Delfin oo haatan ah laf-dhabarka gujisyada ay ku qalabaysan yihiin Ruushku, kuwaasoo ka mid ah 3-da qaybood ee ay Ruushku ka ridi karaan nukliyeerka (triad).

Waxay xambaari karaan 16 gantaal oo ah nooca Bulava oo laga rido gujiska iyo xitaa gantaalaha Kuruuska oo ay ka riddo tiyuubka torpedo-da.

Knyaz Vladimir oo ah mid iminka la tijaabinayo waa gujiskii ugu horreeyay ee loo dallacsiiyay Borei-A, iyadoo la hagaajiyay hannaankiisa isgaarsiinta, jabaqdiisa oo aad hoos loogu dhigay si ay raadeerka uga dhuumato iyo kabiinnada dadku deggan yihiin oo la wanaajiyay.

Gujiskan oo laga shaqaynayay tan iyo 2012 iyadoo lagu sameeynayo hoosada maraakiibta lagu dhiso ee Severodvinsk, ayaa lagu wadaa inay shaqo bilowdo mar uun ka mid ah sanadka soo aaddan.

Hadalsame Media