Xildhibaan Afaraale oo beeniyay in dowladda dhexe faragalin ku hayso doorashada Koonfur Galbeed

0

(Muqdisho) 02 Dis 2018 – Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax faraglin ah ku haynin arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ay la shaqeynayso ggddiga doorashada koofur Galbeed taasina ay tahay waajibkeeda qaran.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa waxa uu sheegay in dadka sheegayo in faragelin lagu haayo Doorashada ay ujoodooyin gaar ah ay leeyihiin,wuxuuna tilmaamay in doorashada ku dhaceyso waqtigii loogu talagalay.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ka dambeeyay kadib eedeymo ka yimid xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in xukuumadda dhexe ay faragalin ku hayso doorashada maamulka Koofur Galbeed.

Hadalsame Media