RASMI: UEFA oo ansixisay in la bilaabo koob 3-aad (Goorma ayuu bilaabmayaa imisa koox ayaase ciyaaraysa?)

0

(Nyon) 02 Dis 2018 – Yurub ayaa markale dib ugu laabanaysa inay yeelato 3 tartan, kaddib markii ay go’aamiyeen Guddiga Fulinta UEFA inay Champions iyo Europa League kusoo biiriyaan koob kale fasalka 2021.

Weli lama go’aamin magaca iyo hab-raaca koobka oo marleeyba u qaab ekaanaya koobabka haatan jira, waxayna UEFA koobkan ku mashquulinaysaa kooxaha waawayn oo muddo hadal hayay koob la yiraahdo Super League, kaasoo uu aad uga horjeestey guddoonka UEFA ee Ceferin.

Yeelkeede, UEFA ayaa dib u abaabulaysa koob beddeli doona Koobkii Koobabka ee la baabi’iyay 1999-kii ee UEFA Cup Winners’ Cup, iyadoo uu koobkani weelayn doono 32 kooxood, kaddib wareegga 8-da, kaddib wareegga nus-dhamaadka iyo dhamaadka.

Kulamada kulamadan ayaa la dheeli doonaa Khamiista oo ah isla maalinta la dheelo kulamada Europa League. UEFA ayaa sidoo kale sheegtay in finaalaha kulamadan la kala dheeli doono: Arbaco (tartanka cusub), Khamiis (Europa League) iyo Sabti (Champions League). Waxaana tartankan cusub kasoo qayb geli kara 34 dal, halka ay haatan kasoo qayb galaan ugu yaraan 26 dal.

UEFA ayaa sheegtay inay tartamadeedu noqon doonaan kuwo laga wada qayb galo iyadoo ay ku hardami doonaan 96 kooxood, taasoo ka dhigan inay koobkiiba dheelayaan 32 kooxood.


Hadalsame Media