”Pogba waxaad tahay ‘VIRUS” – Mourinho oo furka ku tuuray Pogba & kooxo doonaya oo durba heegan galay!

0

(Manchester) 02 Dis 2018 – Juventus iyo Inter Milan ayaa heegan sare ku jira kaddib markii uu soo baxay war sheegaya in Paul Pogba uu ka socdo kooxdiisa, ka gadaal markii uu Jose Mourinho oo Manchester United layliyaa ku tilmaamay “virus.”

Shilkan ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay qolka lebbiska kaddib kulankii Premier League ee shalaytoole ku dhamaaday 2-2 ee ay la yeesheen Southampton.

Sida uu qabo The Daily Record oo xiganaya ilo gudaha ku jira, Mourinho ayaa inta Pogba ku jeestey yiri: “Ma ciyaartid. Mana xushmaysid laacibiinta iyo taageerayaasha. Waxaadna dishaa caqliyadda dadka daacadda ah ee kula jooga, waayo waxaad tahay ”virus.”

Xiriirka labada nin ayaa beryihii yaraa ee dambe u muuqanayay mid kasoo raynaya, yeelkeede, iminka ayay muuqanaysaa inuu sagxadda taabtay, iyadoo ay dhiciba karto inuu suuq-jiilaalka ka tago kooxdiisa, waxaana hareeraha ka qooraansanaya kooxo ay ka mid yihiin Juventus iyo Inter oo haatan wadata Beppe Marotta oo gacmo furan kusoo dhowaynaya.

Hadalsame Media