Madaxwaynaha Somalia oo lagu cambaareeyay arrin uu sameeyay!

0

(Muqdisho) 02 Dis 2018 – Shacabka ayaa weerar ku qaaday madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxwaynihii Maraykanka George H.W. Bush.

Madaxwaynaha ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: ”Anigoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi kashka kasoo go’day u fidinayaa shacabka Maraykanka oo aan uga tacsiyaynayo madaxwaynaha hore ee xijaabtey George H.W. Bush. Madaxwayne Bush wuxuu ahaa nin qaran oo dhab ah oo ay ka go’nayd nabadda adduunka iyo dimoqraadiyadda.”

Yeelkeede, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa kusoo qamaamay warka madaxwaynaha iyagoo ku doodaya inuusan ka tacsiyayn marka ay geeriyoodaan dad Soomaaliyeed, balse uu aalaaba lasoo degdego midda caalamiga ah.

Halkan guji si aad u aragto jawaabaha…

Hadalsame Media