(Buenos Aires) 02 Dis 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump dabcan ma aha nin ay naadir tahay inuu ku koco dhaqamo laga yaxyaxo ama ka baxsan waxa u cuntama mansabka uu ku magacaaban yahay ee Madaxwaynaha dal horseed ka ah siyaasadda caalamka.
Saxaafada qaar ayaa dad u hadal haysa wax u muuqda yax yax dhanka maamuuska ama baratakoolka ah oo uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Maraykanka.
Arrintan ayaa dhacday mar ay sawir ay wada geli lahaayeen Madaxweynaha Arjantiin markaasoo uu iska dhaqaaqay, kaaga darane markii loo sheegay in uu soo noqdo wuxuu yiri ”Meesha iga saara!”, waxaana hal mar ku qoslay wariyeyaashii.
Sidoo kale mar ay wada hadlayeen isaga iyo Madaxweynaha Arjantiin wuxuu Trump iska siibay aaladii turjumaadda otomaatigga ah isaga oo dhahaya ”waxaan u malaynayaa in aan luuqadaada fahmi karo.”
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre
Hadalsame Media