(Rio de Janeiro) 02 Dis 2018 – Laacibka u gadan kooxda Rossonero ee Lucas Paquetà ayaa waraysi uu siiyay warqaadka Esporte Espectacular uga hadlay sababta uu ku doortay AC Milan.
“Inaad doorto Rossoneri waxaa sababteeda leh Leonardo. Wuu isoo wacay isla markiina wuu igu qanciyay, waa inaan u mahad naqaa isaga. Waayo waxa ugu muhiimsani waa inay Milan waddo mashruuc muhim ah.” ayuu yiri.
”Laacib yar oo Brazilian ah inuu Yurub ka dheelo waa waxa ugu muhiimsan, Milan waxay i siisay damaanad ballaaran oo anfacaysa aniga iyo qoyskaygaba, waana dookha iigu fiican.” ayuu daba dhigay Lucas Paquetà.
”Waxaan doortay lambarka 39-aad, kaasoo ah midkii aan xirnaa ciyaar-bilowgaygii kooxda Flamengo waana ii falxad nasiib ii keena”. ayuu xaqiijiyay.
Hadalsame Media