(London) 02 Dis 2018 – Naag 30-jir ah ayaa loo qabtay tuhun la xiriira dilka wiil 20-jir ah oo jidka laga helay isagoo si xun u dhaawacan oo meelo badan middi lagala dhacay.
Ahsanullah Nawazai, 20 jir, ayaa u safrayay London Colney, Hertfordshire, isagoo ka yimid Walthamstow, London, 28-kii bishii Nofeembar kahor intaan toorreey lagu celcelin.
Waxaa wiilkan la helay isagoo kaba la’aan ah oo uu qof abaarihii 7.15pm ku arkay Walsingham Way markaasoo isbitaalka loola orday halkaasoo uu ku geeriyoodey.
Mid ka mid ah dadkii goobta ka dhowaa oo aan magaciisa sheegin, ayaa Booliiska u sheegay in wiilkan loo diley kabo qaali ahaa oo uu xirnaa, iyadoo uu muran ka horreeyay arrintaasi.
Hadalsame Media