Ganacsade lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 02 Dis 2018 – Wararka laga helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin ganacsade caan ahaa.

Kooxa dilka gaystay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bastoolado waxaana dadka deegaanku sheegeen inay baxsadeen kadib toogashada.

Dadka deegaanka ayaa ku sheegay magaca marxuunka la dilay Cumar Macow, wuxuuna xaafadda Arbacow ku lahaa dukaan ganacsi.

Lama oga sababta iyo cida ka dambeysay dilka Ganacsadahaan hase ahaatee waxaa ay qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah dadka shacabka kuwaas oo ay gaysanayaan kooxo aan la garanayn hadafkooda.

Hadalsame Media