Faahfaahin ku saabsan qarax gaari oo dhacay Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 02 Dis 2018 – Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay kadib qarax loogu xiray gaarigiisa kaasoo qarxay xilli uu marayay nawaaxiga aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho.

Booliska ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay Saacid Xuuki Jaamac oo ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta. Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sidii caadada ahayd sheegtay masuuliyadda weerarkan oo dhacay galinkii dambe ee maanta.

Hadalsame Media