Dadka oo ku safri doona duullimaadyo guuxooda ka dheereeya!

0

(Los Angeles) 02 Dis 2018 – Shanghai ilaa Los Angeles baad 5 saac u kala soconaysaa, Tokyo ilaa San Francisco waa 5.5, halka Sydney ilaa Los Angeles ay tahay 6.75 oo qura: Waxaa oo dhami waa hirarka soo socda ee duullimaayada guuxooda ka dheereeya oo dib u bilaabmi doona kaddib joogsigii Concorde.

Sanadihii yaraa ee dambe, sharikaadka dayuuradaha farsameeya ayaa dib usoo nooleeyay xiisihii ku aaddanaa ku safarka dayuuradaha guuxooda ka dheereeya kaddib howlgabkii Concorde ee 2003 oo ahayd dayuuradda qura ee adeeggaa bixin jirtey.

Sharikaadka ugu waawayn waxaa ka mid ah, Boom Technology oo ilaa $85 milyan oo doollar ka ururisay sharikaad doonaya inay jaal istaraatiji ah la noqdaan mashruucan, sida Virgin Atlantic Airways.

Japan Airlines ayaa iyadana la sheegay inay bixisay 10m oo doollar oo carbuun ah, iyadoo doonaysa inay dalbato 20 dayuuradood oo 55-kursiile ah, kuwaasoo shaqo bilaabaya 2023.

Hadalsame Media