DAAWO: MBS oo lagu bahdiley Buenos Aires (CIA oo faafisay xog cusub oo wejiga looga gubayo!)

0

(Buenos Aires) 02 Dis 2018 – Warqaadka Wall Street Journal ayaa qoray in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu uu si toos ah ula hadlayay raggii diley Jamal Khashoggi taasoo ka timid dhanka CIA oo faafisay in dilka Jamal Khashoggi uu ahaa amar si toos ah ugasoo fuley Mohammed Bin Salman.

Warsidahan oo soo xiganaya CIA ayaa sheegay in bin Salman uu shakhsiyan diray 11 farriimood oo ku wajahnaa Saud al-Qahtani oo hoggaaminayay kooxdii dilka gaysatey oo ka tirsan ilaalada khaaska ah ee Amiirka.

MBS oo Agoosto qof ku dhow u sheegay in haddii ay Khashuuqji ka dhaadhicin waayaan inuu soo laabto ”loo duufin doono” meel kale, taasoo loo fahmey baaq khaarajin ah.

MBS ayaa haatan ku sugan magaalada Buenos Aires ee caasimadda Argentina oo uu ka dhacayo shirka G20 wuxuuna halkaa kala kulmay dagaal qaboow iyo wax loo arki karo bahdil, waloow uu ilaa haatan kulamo salaan ah la yeeshay qaar ka mid madaxdii shirka joogtey, ragga qaar baa xitaa diidey inay dhankiisa eegaan sida Erdogan. Isagoon weli ku guulaysan sharciyaddii uu ka raadinayay shirkaasi oo ay bannaankiisa ku bannaan baxayaan shacab ku baaqaya in la maxkamadeeyo.

MBS ayaa markii la gelayay sawirka guud kaligii meel gaar ah taagnaa isagoo u muuqdey qof yaxyaxsan isagoo marba dhan jiidayay maryihiisa, iyadoo ay muuqato in ay dalal badan doonayaan inay nolosha siyaasadeed ku dhibaan oo ay marba qayb yar kasoo saarayaan xogaha khuseeya qaabka uu u abaabuley dilkii lagu ceeboobey ee Khashuuqji, gaar ahaan warbixintan cusub oo lagu beegay xilli uu shir caalami ah joogo.

Hadalsame Media