(Rio de Janeiro) 02 Dis 2018 – Lucas Paquetà ayaa macasalaameeyay taageerayaasha Flamengo shir jaraa’id oo uu qabtay, balse wuxuu sidoo kale ku celiyay ciyaartii ugu dambaysay ee ay Maracanã kula yeesheen Atletico PR oo uu ooyin ku sagootiyay.
Lucas Paquetá crying on the pitch of the Maracanã as it’s his last game for Flamengo. Was quality watching him develop this year and it’s hard to not see him being a success in Europe. pic.twitter.com/AYkiayJ5i4
— Escojar (@Escojar) December 1, 2018
Wuxuu soo dhigay Instagram farriintan: “Waxaan macasalaama leeyahay naadiga iyo taageerayaasha, saaxiibada igu kooxda ah iyo qof kasta oo muhim ii ahaa 12-kii sano ee aan kooxda joogey!”
Paquetà oo Flamengo oo uu sheegay inay ”nin kasoo saartay” abaal uga haya wax kasta oo ay u qabatay ayaa daba dhigay:
“Waxaan garoonka soo galay anigoo dadaalaya oo farxad ku samaynaya waxa aan jeclahay, marka waxaan u mahad celinayaa taageerayaasha. Mahadsanidiin Flamengo nabad gelyo “, ayuu kusoo jaray Paquetà oo ugu dambayn kahor bartamaha bishan sida 12-13 kusoo biiraya AC Milan.
Hadalsame Media