DAAWO: Dalalka hadda Qadar go’doominaya oo 22 sano kahor doonayay inay dalkaa Inqilaabaan!

0

(Dooxa) 02 Dis 2018 – Hilinka Al Jazeera ayaa helay dokumenti caddaynaya in dalalka Sucuudiga, Imaaraatka, Masar iyo Baxrayn ay isla maleegeen afgembi ay ku doonayeen inay tuuraan dowladda Qadar sanaddii 1996-kii.

Afgembigan dhicisoobey ayuu baaqiisu ahaa “Howlgalkii Abu Ali”, waxaana loo qorsheeyay 27-ka Ramadaan oo ku beegnayd Febraayo 14, 1996 waa xilli ay 80% ciidamada dalkaasi fasaxan yihiin, xilligaasoo uu sanad uun kursiga ku dangiigo Emir Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani oo aabihii oo Geneva fasax ugu maqan inqilaabay 1995-kii kaasoo doonayay inuu wiilkiisa ka ceshado qaar ka mid ah awoodo uu horay u siiyay, iyadoo ay dalalkani doonayeen inay aabbaha xilka ugu soo celiyaan.

Inqilaabkan oo ay ka qayb qaadanayeen Sheikh Mohammad bin Zayed, oo xilligaa ahaa abaanduulka ciidamada qalabka sida ee Imaaraatka iyo dhaxalsugaha haatan ee Abu Dhabi Sheikh Hamad bin Issa Al Khalifa, dhaxal-sugihii xilligaas ee Bahrain, Sheikh Sultan bin AbdulAziz, Wasiirkii Gaadhaandhigga xilligaas ee Sucuudiga Omar Suleiman, madaxii Sirdoonka Masar ee geeriyoodey iyo xitaa nin ay ilma adeer yihiin ninka la inqilaabayay isla markaana ahaa Taliyihii Booliiska Qadar, Sheikh Hamad bin Jassim bin Hamad Al Thani.

Halkan ka DAAWO…

Qorshaha afgembiga oo markii hore la qorsheeyay 5am Febraayo 16, 1996, ayaa lagu ballamay in laba maalmood lasoo hormariyo waxaana lagu ballamay in marka hore ay saraakiil Qadari ihi ay gacanta ku dhigaan saldhigyada ciidamada iyo hannaanka amaanka, kaddibna malliishiyaad Sucuudi ah xadka laga soo gudbiyo.

Yeelkeede, mid ka mid ah ayaa ballantii ka baxay oo sirtii daadiyay sidaa ayuuna qorshihii ku fashilmay.

Hadalsame Media