(Kabul) 02 Dis 2018 – Madaxa Xiriirka Galbeedka Aasiya iyo dhiggiisa Xiriirka Kubadda Cagta Urdun, Amiir Ali bin Al Hussein, ayaa ku baaqay in la baaro eedo ku aaddan in hablaha kubadda cagta Afghanstan lagu gacma gacmeeyay xero tababar oo ku taalla Urdun.
1/3
Last week’s social media posts from the captain and national coach of the Afghanistan women’s football team will rightly concern anyone who believes in football’s values of fairness and transparency. If true, they merit a strong response.— Ali Al Hussein (@AliBinAlHussein) November 29, 2018
“Haddii ay eedaymahani run yihiin, waxay istaahilaan jawaab adag si loo dhowro badbaadada iyo sharafta hablahan,” ayuu Prince Ali kusoo qoray qoraallo musalsal ah oo uu dhigay Twitter-ka, isagoo u baaqay FIFA iyo AFC oo iminka baaritaanno wada.
Weerarka ayaa sida uu sheegay nin ka tirsan madaxdii waddey hablaha wuxuu ka dhacay gudaha dalka Afghanstan, oo ay ku jirto xitaa xarunta xiriirka dalkaasi, iyo sidoo kale xero tababar oo ku taalla Urdun bishii Febraayo.
Gacma-gacmaynta jinsiga ah ayaa waxaa hablaha kula kacay xubno sare oo ka tirsan Xiriirka dalkaasi oo uu ka mid yahay madaxwaynaha xiriirka Afghanstan, Keramudan Karim.
Madaxii hore ee Waaxda Maaliyadda Haweenka, Khaleda Bhopal, oo 2016 lagu khasbay inay dalka iskaga cararto iyadoo megengelyo ka heshay Denmark, ayaa u sheegtay The Guardian, iyadoo ay wehliso Shabanm Mubarez, oo ah kabtanka xulka hablaha Afghanstan, inay dareensan yihiin kana walaacsan yihiin in nidaamka dalkaasi uu ku fashilmay inay ilaaliyo amaanka hablahan ama uu xaqooda u dhiciyo.
Hadalsame Media