SHAX SIYAASADEED: Ahuru Kenyata oo hal arrin ku aamusiyay qayladii Raila Odinga! (Muxuu sameeyay?)

0

(Nairobi) 02 Dis 2018 – Senator-ka laga soo doorto Siaya County ee James Orengo ayaa daboolka ka qaaday in madaxwaynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta uu taageeri doono hoggaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga doorashada 2022.

Ninkan oo mar dhowayd ka hadlay Gem, Siaya County, ayaa sheegay in madaxwayne Kenyatta ayaa horayba u muujiyay in ninka bedeli doona uu noqon doono ”mid lala yaabo”, isagoo tilmaamay in la yaabkaasi yahay Mr. Odinga.

“Waxaan ku faraxsan ahay in Uhuru Kenyatta uu sheegay inuu dadka uga yaabin doono ninka noqonaya madaxwaynaha isaga xiga ee Jamhuuriyadda Kenya, wuxuu sidaa yiri isagoo ogo in (William) Ruto uu yahay madaxwayne xigeen… la yaabkaasina sida aan qabno waa, ficliyan iyo sabab kastaba, Raila Amolo Odinga.” ayuu yiri Mr. Orengo oo ah hoggaanka kooxda laga tirada badan yahay ee Senet-ka Kenya, lamana hubo inay tani tahay shax lagu shibbinayo iyo in kale.

Hadalsame Media