
(Texas) 01 Dis 2018 – George H W Bush, madaxweynihii hore ee Mareykanka ahaana Aabbaha George W Bush, oo msdaxweyne noqday ayaa geeriyooday. Wuxuu ku geeriyoodey da’da 94 jirka.
War rasmi ah oo kasoo baxay qoyskiisa ayaa lagu yiri: “George Herbert Walker Bush, oo Ciidamada Badda qaybtooda cirka ka mid ahaa Dagaalkii 2-aad, horseedna ka ahaa in saliid laga soo saaro Texas, ahaana madaxwaynihii 41-aad ee Maraykanka ayaa geeriyoodey.
Wuxuu ka tegey 5 uu dhalay, 17 ay sii dhaleen, 8 ay kuwaasi sii dhaleen iyo laba isaga la dhalatay. Waxaa hortii dhimatay xaaskiisii Barbara oo 73 jir ahayd.
Bush waxyaabaha lagu xusuusan doono waxaa ka mid dagaalkii Ciraq looga saaray Kuweyd iyo ciiddamadii uu u soo diray Soomaaliya 1992, xilligaas oo uu yimid Soomaaliya.
Waxaa lagu eedeeyaa inuu ahaa ninka dhagax dhigay siyaasadda Maraykanka ee kaddib burburkii Soofiyeetka dunida qalqalka amaan ka abuurtay.
Hadalsame Media