Askari Kenyan ah oo xatooyo yaab leh ku kacay oo la qabtay + Sawirro

0

(Nairobi) 01 Dis 2018 – Dembi baarayaal ka tirsan ciidamada loo yaqaanno Unugta Flying Squad ayaa xabsiga u dhaadhiciyay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliiska Pokot South kaddib markii gaari ka xaday isla qaybtaas 2017 .

Sida ay Twitter ku faafisay Waaxda Dembi Baarista (DCI), sarkaalkan oo la yiraahdo, Elias Shikuku, ayaa ku eedeeysan inuu xaday gaari; Toyota Land Cruiser ah, kaasoo lagu qabtay isagoo taargada inta ka bedeley kaddib iibiyay.

“Dembi baarayaasha ayaa baarista bilaabay waxayna kaddib gaariga kasoo heleen magaalada Mombasa isagoo sita taargo kale,” ayaa lagu yiri tweet-ka.

Eedaysanahan oo laftiisu horay uga tirsanaa ciidamada Flying Squad Unit ayaa xabsiga lagu sii hayn doonaa kahor inta aan maxkamad lasoo taagin. Askarta Kenya ayaa loo arkaa kuwa ugu musuqa badan Afrika.

Hadalsame Media