(Hadalsame) 30 Nof 2018 – Dabayaaqadii siddeetanaadkii Maxamad Siyaad Barre waxa uu dareemay in xukunkiisi Kalitaliska ahaa maalmihiisi soo koobmayaan asaga oo ka argagaxsan awooddarrida maamulkiisa ayuu wafdi xukuumaddiisa ka socda u diray goboladdii waqooyi (Somalinad) oo ahayd xudunta kacdoonka looga soo horjeeday xukunkii Afwayne.
Wafti waxaa hoggaaminayay raggii ugu cuslaa ee xukunka Afwayne ka mid ka ahaa, inkasta oo reer waqooyi damiir iyo garasho lihi uusan taliska Siyaad Barre ku harin oo ka dhigay wax uu laayay, wax uu xirxiray iyo wax dalka ka qaxay. Maxamad Xawaadle Madar iyo Muuse Rabbiile Good ayaa horkacayay.
Ujeeddadu waxa ay ahayd in ay la kulmaan odayaasha dhaqanka si ay ugu gogolxaaraan kulan Afwayne rabay in la yeesho odayaasha dhaqanka ee waqooyiga. Wafti iyo odayaashii waxa isla meeldhigeen la kulankii Siyaad Barre ballantuna waxa ay ahayd in Afwayne yimaado waqooyiga marka uu ka soo laabto Jabuuti oo uu kula ballamsanaa Kaligiitaliyihii Itoobiya Mengistu Xaylemaryam.
Afwayne iyo Xaylemaryam waxa dhexmaray heshiis ay ugu cuslaayeen joojinta taageerada jabjadaja ay labada Kalitaliye isku hubaynayeen iyo in Afwayne ka tanaasulay sheegashadii Soomaali-Galbeed. Ma ahayn heshiis daacadnimo ama waxtar u lahaa labada shacab ee labada Kalitaliye ku hoos jiray ee waxa uu ahaa heshiis dan u ahaa labada Kalitaliye oo xukunkoodu liiqliiqanayay si gaar ah Xaylemaryam oo jabahaddii Afawerqi ka soo sifaysay Eritereeya. Sidaas darteed ayuu Mengistu ugu baahnaa in soo qaado 90,000 oo askari oo ka joogay xudduudka Soomaaliya waana u hirgashay.
Maxamad Siyaad Barre markii uu Mengistu la soo heshiiyay waxa uu ka noqday kulankii uu kula ballansanaa odayaashii waqooyiga asaga oo iska dhaadhiciyay marba hadduu KANAALKII SOO XIRAY in uusan odayaasha waxba ugu baahnayn ee soo qabqaban doono. Maxaase dhacay? Raggii uu Siyaad Barre ugu faanay in uu KANAALKII KA SOO XIRAY muddo yat kadib ayaga yaa ka taliyay inta badan gobolladdii waqooyi Itoobiyana waa ay sii labolaabtau taageeradii ay siin jirtay. Waxaa la sheegay in Afwayne ku calaacalay “Mengistu waa i khiyaanay.”
Taasi waxa ahayd 1988. Bal aan waxyar barbarshigo waxa dhacay/a 2018.
Madaxweyne Maxamad C. Farmaajo ayaa ku faanay in uu “KANAALKII KA SOO XIRAY” ragga au siyaasadda isku hayaan. Waxa kale ee uu sheegay in Itoobiya burburisay Soomaaliya sidaas awgeed uu Itoobiya kula soo heshiiyay in ay burburka naga joojiso. Farmaajo waxa uu dad waalan ku tilmaamay mucaaradka dhaliilsan sida uu wax u wado.
Su’aashu waxa ay tahay Farmaajo KANAALKII MA SOO XIRAY? Soomaaliya se ma Itoobiyaa burburisay? Kanaalka xiridda u baahan se ma yahay Itoobiya? Aan ku horreeyo su’aasha koowaad aniga oo uga jawaabaya soda Madaxweyne Farmaajo u dhigay. Jawaabtu waa maya, ma uusan soo xirin waayo maalmo kadib hadalkii Farmaajo itoobiya waxa ay magacawday Safiir u fadhin doonaa Hargaysa.
Bal haddana aan waxyar dulroogsado, Soomaaliya ma Itoobiyaa burburisay? Jawaabtu waa maya, qofka yiraahda Soomaaliya Itoobiyaa burburisayna waa qof eed uu asagu leeyahay raba in uu dusha ka saaro dadyow kale. Dabcan qofna burburka ma inkiri karo in Itoobiya qayb libaax ka qaadatay burburka Soomaaliya laakiin ma oran karno ayadaa burburisay waayo Itoobiya ma ahan cudurka Soomaaliya burburiyay ee waa fasasas ka dhashay caabuqii cudurka Soomaaliya burburiyay.
Soomaaliya shisheeye ma burburin ee waxaa burburiyay madaxdeeda oo aan caddaalad ku dhaqin. Shisheeyuhu waa ma ahan cudurka na burburiyay waa qandhada cudurku watay. Cudurka Soomaali bururiyay waa hoggaamiye aan aqoon sida dal iyo dad loo hoggaamiyo, hoggaamiye aan aqoon sida dawlado saaxiibbo ah loo sammaysto, hoggaamiye aan aqoon sida dawladaha cadowga loo la dhaqmo, hoggaamiye aan aqoon hardanka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee dunida.
Soomaaliya waxaa burburiyay hoggaamiyayaasheeda oo aan u shaqayn danta dadkooda ee kaliya u shaqeeya sidii ay kuriga u xagsan lahaayeen. Laga soo bilaabo 1969 ilaa 2018 cadowga koowaad ee madaxda soomaalidu ma ahayn shisheeye, ma ahayn Itoobiya ee waxaa ahaa ama yahay qof soomaaliyeed ooo ka fakar duwan ama siyaasi kale oo aysan siyaasadda kula duwam yihiin.
Horay baa loo yiri “RAG CADDAALAD WAAYAY SIDII CAWSHA KALA YAACAY”, hadddii qof soomaaliyeed shisheeye magalgalay waxa kale kuma qasbin dalkiisi ayuu caddaalad ka waayay. Dawladdiisi ayaa noqotay burcad hubaysan iyo dadqal dhiigyacab ah. Bal Iswaydii KANAALKA Farmaajo leeyahay waan soo xiray goormee ayuu furmay? Sow 1969kii kadib maahan? Itoobiya ma 1969 kadib ayay cadowgeenna noqotay?
Maxaa kanaalka uu furmi waqtigii Xukuumadihii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid? Jawaabta aan ku siiyo, waqtigaas qofka soomaaliyeed ee madaxda ka fakar duwan cadow looma aqoon ee waxa uu ahaa muwaadin soomaaliyeed oo xuquuqdiisa raadsanaya.
La ma xiri jirin dilna haba sheegin oo waad ogtihiin in xattaa saraakiishii Waqooyiga afgambigu uga fashilmay la sii daaayay markii dambi lagu waayay. Ma u malaynaysaa Aadan Cadde iyo Cabdirashiid qoorta u dheeran kari waayeen saraakiishaas? Maya wallaahi, waa ay dili kareen ee waxa ay ilaalinayeen Xeerka dalka iyo xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed.
Hadda Soomaaliya Itoobiya iyo shisheeye ma burburin ee madaxdeedi ayaa burburisay waxa uuna burburkaasi bilowday 21 October 1969. Faragalinta shisheeyaha, jabhadihii hubaysnaa, dagaalkii qaboobaa iyo qabyaaladdu waxa ay qayb ka ahaayeen fududeeyauaasha burburka laakiin ma ahayn salka ama sababta burburka.
Gunaanad: siyaasiyiin biyo dad badan shacab soomaaliyeed ah aya qaba in qabyaaladda iyo Itoobiya yihiin waxa Soomaaliya burburiyay. Waxaan oran karaa sheegashadaasi waa sheeko fadhi-ku-dirir ama sheeko marfash. Qabyaaladda iyo itoobiya ma ahan cudurka ama sababta (cause) Soomaaliya burburiyay waa qandhada (symptom). Cudurka Soomaaliya burburiyay waa habdhaqankii/a, ficilladii/a iyo qabkii/a ay madaxdii/a soomaaliyeed dalka u maamuleen/aan.
Waxaa Qoray: Cali M Diini
Hadalsame Media