(Kiev) 30 Nof 2018 – Madaxwaynaha Ukraine ayaa ka digey in taangiyada Ruushku ay hoganayaan xuduudda dalkaasi la leeyahay, isagoo dalkiisa ka mamnuucay dhamaanba ragga Ruushka ee gaarey da’da ciidannimada.
Petro Poroshenko ayaa ku doodaya in tawaangida Ruushanku ay safan yihiin meelk 11 mayl uun (18km) u jirta xuduudda labada dal, meeshaasoo u dhow dhibboowga ay Ruushanku ku kaydsadaan hubka, rasaasta iyo hannaanka gantaalaha tuura sida uu sheegay hilinka Sky News.
Warkan ayaa soo baxaya xilli ay Ruushku ay gobolka ay Ukraine ka goosteen ee Crimea geeyeen hannaanka gantaalaha casriga ah gana ee S-400, kaddib markii ay badda aaggaasi iskula dheceen maraakiib ay labada dhan kala leeyiihiin iyadoo ay Ruushku Ukraine ku eedeeyeen inay soo xera taraareen biyaha maxalliga ah ee ay Ruushku maamulaan.
Yeelkeede, madaxwaynaha Ukraine ayaa Ruushka iyo madaxwaynohooda Vladimir Putin ku eedeeyay inay wadaan daandaansi ay guud ahaanba kula wareegayaan dalkiisa.

Hadalsame Media