(Milano) 29 Nof 2018 – Patrick Cutrone ayaa tartanka Europa League fasalkan ka dhaliyay goolkiisii 4-aad, tiiyoo ay jirto inuu 5 jeer uun toogtey goolka kooxaha lidka ah.
20-jirkan Milan u safta ayaa gool u dhaliyay Milan oo haatan la ciyaaraysa kooxda reer Luxembourg ee Dudelang, waxayna taasi ka dhigan tahay inuu 4 kulan 4 gool ka ansixiyay EL.
Waxaase la yaab leh inuu 5 jeer uun toogtay goolka taasoo ka dhigaysa laacibka haatan ugu shiiska wanaagsan koobabka Yurub oo dhan.
Cutrone ayaa waloow uu inta badan kayd yahay, caadiyan rikoodh wanaagsan ku leh Europa League, isagoo 8 gool ka dhaliyay labadii fasal ee ugu dambeeyay, kuwaasoo uu 7 ka mid ah ku dhaliyay gegada San Siro.
Hadalsame Media