(Hadalsame) 29 Nof 2018 – Jamhuuriyadda Djibouti waa mid ka mid ah dalalka cabbir kastoo la saaro haatan ugu deggan Geeska Afrika. Tusaale ahaan, kama jiraan qaaqullooyinka xagjirnimo iyo kuwa siyaasadeed ee ruxaya dalalka deriska la ah ee labada dhinac ka xiga Marinka Bab el-Mandeb ee Somalia iyo Yaman, Dagaal Sokeeyana haba sheegin.
Sanaddii 1998-2018 waxaa dagaal furan oo lagu hoobtay isla galay Ethiopia iyo Eritrea, oo ah laba dal oo sidoo kale deris la ah Jabuuti, khilaafkaas oo aan soo gaarin dalkaasi.
Wuxuu dalkaasi leeyahay hannaan garsoor oo sida Faransiiska u dhisaalan, waxaana xukuma Baarlaman lasoo doorto si uun, halka uu xilka hayo Ismail Omar Guelleh oo xukunka gacan bir ah ku hayey tan iyo 1999-kii.
Lacagta Djibouti waa franc, si furan loogu bedeli karo lacagaha kale ee adag, waxaana ka furan 7 banki oo faa’iido doon ah iyo 4 kale oo ku shaqeeya hannaanka Islaamiga ah — taasoo ku filan adeegga maaliyadeed ee dalkan oo ay ku nool yihiin in ka yar 1 milyan oo qof.
Waxaas oo dhan, oo lagu biiriyay booska istaraatijiga ah ee uu dalkaasi ku yaallo oo ah afaafka laga galo Badda Cas, la yaab malaha inay isku garbiyaan quwado raadinaya saldhigyo istaraatiji ah, sida Maraykanka, Japan, France, Italy iyo ugu dambayn China, oo kulligood halkaa iminka fadhiyo ku leh.
Yeelkeede, degganaantaa iyo xasilloonidaa aannu kasoo hadalnay waxaa ku hoos jira 3 arrimood oo waawayn oo kicin kara qaaquullooyin qallibi kara kuwaasoo salka ku haya isla saldhigyada aannu soo sheegnay.
La soco qayb kale….
Waxaa Qoray: Bertil Lintner
Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media