(Hadalsame) 29 Nof 2018 – Sawirkani waa Matthew Hedges iyo marwadiisa Daniela Tejada. Sow ma aha sawir qurux badan oo naxariis badan? Waa ujeedkii la ga lahaa in la qaado. Waa dawladnimada iyo gobannimadeeda. In ay dawladnimada tahay aan qeexo.
Ninkan 31 jirka ahi waa Ingiriis. Difaaca, amniga iyo siyaasadda Dunida Carabta ayuu ku talaxtagay oo ku shaqaystaa is la markaa imika ka diyaariyay darajada Ph.D.
2 bishii Maajo ayay Imaaraadka Carabtu ku xidheen Dubeey, iyaga oo ku eedeeyay in uu basaas ahaa, xog badan oo caddayn ah in ay ku hayaan ayayna sheegeen.
21 bishan ayay ku xukumeen xabsi daa’in. Hayeeshee shan cisho oo keliya ka dib ayay ku qasbanaadeen in ay cafiyaan, degdegna u soo daayaan. Waa kaa caawa xorriyadda iyo farxadda ku cawaynaya.
Matthew wax uu lee yahay qaran macno leh. Yacniga waa nin gob ah. Dadka Ingiriiska iyo dawladdoodu hurdo ma ay ledin jeer ay xorriyad ku hubsadeen wiilkooda. Muhiim ma aha in uu dembiile ahaa iyo in kale, waxaa se muhiim ah in uu lee yahay qaran gob ah oo aan dadkiisa la gumayn karin.
Is la marka ay tani dhacayso Imaaraadka Carabta waxaa xabsiyada ka buuxa, oo aragti ay rumaysan yihiin, eray xaqa oo ay dhaheen ama tuhmo keliya ku xidhan kumannaan dalkaa u dhashay. Waxaa kale oo xabsiyada dalkaa ku abaaday dad u dhashay ummado aan gob ahayn gaar ahaan carab. Ma jirto cid u doodda iyo xitaa cid ogi.
Waxa ay ummaduhu dawladda ku falaan intaas baa u gu yar.
Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf
Hadalsame Media