(Kiswah) 29 Nof 2018 – Ciidamada Cirka Suuriya ayaa sheegay inay kusoo rideen ”bartilmaameed cadow” magaalada Kiswah, oo dhacda koonfurta magaalada Dimishq, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Wakaaladda Wararka SANA ayaan carrabaabin cidda ay tahay “cadowga” la bartilmaameedsaday.
Yeelkeede, warar ku dhow ciidamada dalkaasi ayaa tibaabaxaya in lasoo bartilmaameedsaday isla magaalada Kiswah, waxayna u badan tahay in ay yihiin gantaalo laga soo ganay dhanka Israel ama dayuurad dagaal.
“Hannaankeenna difaacu wuxuu ka hor tegey dhowr bartilmaameed oo ay cadowgu ku weerareen eeryada al-Kiswah ee koonfurta dalka, waana soo rideen,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Suuriya oo uu faafiyay hilinka Ikhbariya.
Hadalsame Media