(Muqdisho) 28 Nof 2018 – Taliyaha ugu sareeyay ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Jeneraal Thomas D. Waldhause ayaa socdaal qarsoodi ah ku yimid Magaaladda Muqdisho shalay [27-ka Nofembar], sida uu ogaaday Warsidaha Hadalsame Media.
Taliyaha oo ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan howgalka Maraykanka ee AFRICOM kaasoo saldhigiisu yahay dalka Chad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
Taliyaha oo muddo saacado ah ku sugnaa Magaaladda Muqdisho ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waliba saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Soomaaliya.
“AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxay taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, iyo sidoo kale howgalka AMISOM dedaallada ay ugu jiraan inay ku guuleystaan horumar iyo amni waara,” ayuu yiri Waldhauser.
Waxaa uu sheegay in siyaasadda Arrimaha dibadda Mareykanka gaar ahaan arrimaha Soomaaliya ay tahay mid cad islamarkaana ay rajaynayaan degenaansho siyaasadeed iyo mid dhaqaale taasoo uu shegay inay hor istaagi karto in kooxaha miditidiinta ah ay gabaad ka dhigtaan Geeska Afrika.
Dowladda Maraykanka ayaa sare u qaaday weeraradan dhinaca cirka ah oo ay la beegsanayso goobaha ay maamulaan Al-Shabaab ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Hadalsame Media