
(Muqdisho) 28 Nof 2018 – Kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad Abdiwali Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa kala diray Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka kadib khilaaf kala jabiyay xubnihii guddigaasi. Qoraal soo baxay xaafiiska guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka ayaa sidaas maanta lagu shaaciyay.
Waxay ka dhigan tahay in dhammaan xubnihii guddigaasi oo ay ka mid ahaayeen kuwa Mucaarad ku ah xukuumadda in la kala diray kadib markii qaar kood dhawaan soo saareen qoraal khilaaf ka dhex abuuray baarlamaanka oo ku saabsanaa musuqmaasuq la sheegay in wasaaradda Maaliyadda uu ka dhex jiro.
Yeelkeede, warbixinta guddigaasi ayaa kala qaybisay isla guddigii soo saaray ee Maaliyadda waxayna taasi waji gabax ku noqotay xubnaha Mucaaradka ee guddiga Maaliyadda ka mid ahaa oo lagu eedeeyay inay siyaasadeeyeen warbixintooda.
Akhriso qoraalka lagu kala diray guddigii Maaliyadda.
Hadalsame Media