(Kismaayo) 28 Nof 2018 – Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaan wali laga heshiin khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamullada. Taasi waxay ka dambeysa kadib markii Guddiga u qaabilsan Aqalka sare xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay sheegeen inay inta badan la xaliyay khilaafka dowlaldda dhexe iyo maamullada
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sheegay ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan go’aanka Aqalka Sare, laakin buu yiri aysan taasi ka dhigneyn in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamullada.
“Qeyb yar oo ka mid ah waxyaabaha ay isku khilaafsanyihiin Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ayaa la xaliyey waana arrin muhiim ah oo bilow fiican ah balse waxaa iyana dhibaato ah in la dhaho waa la xaliyey oo waa la soo afjaray khilaafkaasi, iyadoo aan weli la isku fahmin waxyaabo badan oo markii horeba sabab u ahaa khilaafkaasi”ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland.
Madaxda sare ee Jubbaland ayaa la aamisan yahay inay geed fadhi u yihiin khilaafka dowladda dhexe iyo maamullada waxaana dhowr jeer uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe dowladda dhexe u soo jeediyey eedeymo cul culus.
Hadalsame Media